Ururka IGAD oo QM. ka codsaday in Bada iyo Cirka laga go’doomiyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo Eritrea in la cunaqabateeyo.

igad

Halkaan ka akhri

Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Maalinimdii shalay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka ku jira Urur Goboleedka IGAD magaalada Addis Abeba ee dalka Ethiopia ayaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Ururka IGAD ayaa kulankaasi ka soo saaray qodobo dhawr ah oo ku aadan dajinta xaalada Soomaaliya, sidoo kale IGAD ayaa ugu baaqday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay xayiraad dhanka hubka ah saaraan Soomaaliya, kaas oo laga saarayo dhanka Bada iyo Cirka si ay u yaraadaan hubka iyo saanadaha ay helayaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Garoomada diyaaradaha ee xayiraada lagu soo rogaayo ayaa waxaa ka mid ah Marka, Baydhabo, Waajid, No50, Balidoogle, Cisalay iyo kuwo kale oo dhamaantood ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah, waxaana la sheegay in Dowladda Eritrea  ay kooxaha ka soo horjeeda ay ka kaalmayso dhan walba.

Sidoo kale waxaa ka mid ah Dekadaha iyana xayiraada lagu soo rogay Marka, Kismaayo, iyadoo warsaxafadeedkii laga soo saaray kulankaasi uu aqriyay  Wasiirka arimaha dibada  Kenya Moses Watanjula kaas oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qayb gashay kulankaasi.

“Waxaan ka codsanaynaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inay xayiraad Cirka iyo Badda ah ku soo rogaan wadanka maadaaama Kooxaha Mucaaradka Soomaaliya ee qaska Soomaaliya ka wada laga taageero dhanka dibadda ah, lana ciqaabo cid kasta oo lagu helo arintaasi” ayuu Yiri Wasiirka arimaha dibada  Kenya Moses Watanjula oo sheegay in wixii waqtigaan ka dambeeya uu dulqaadkii ka dhamaaday.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: