Sheikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo Maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Ururka Alshabaab ee ahaa Afhayeenimada.

Mukhtar Robow, a spokesman for Shebab

Halkaan ka akhri

Shir Jaraa’id oo uu Maanta gelinkii daambe qabtay Afhayeenkii Ururka Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa  wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Ururka Al-Shabaab ee ahaa Afhayeenimadiisa.

Abuu Mansuur Shirka  jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka sheegay inuu xilkaasi Afhayeenimada ah ku wareejiyay Afhayeenka Cusub Sheikh Cali Maxamuud Raage (Sheikh Cali Dheere).

Abuu Mansuur oo ka hadlayey arrintaasna wuxuu yiri: “Wixii laga bilaabo Maanta waxaan u sheegayaa Shacabka iyo Mujaahidiinta, inaan iska casilay xilkii aan u haayay walaalaha”.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay inuu isku casilay khilaaf ka dhex taagan isaga iyo xubna kale oo Alshabaab ah, ayaa arrintaasi beeniyay, isagoona cadeeyay inuu wali xubin ka yahay Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu kaliya ka tanaasulay xilkii uu u haayay, sida uu hadalka u dhigay.

Abuu Mansuur oo muddo 2 sano ah u ahaa Ururka Al-Shabaab  Afhayeen oo inta badan Saxaafada ugu warbixinayay howl galada iyo weerarada ay la beegsan jireen Ciidamadii Ethiopia iyo kuwa Amisom.

Si kasta ha haatee illaa iyo hadda lama oga sababaha rasmiga ah ee kadambeysa iscasilaadiisan, iyadoo ay jiraan tuhuna laga qabo in ay jiraan khilaafya u dhaxeeya Abuu Mansoor iyo xubnaha sar sare ee Ururka Al-Shabaab.

SomaliSwiss    Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: