Radiyaha wuxuu ka mid yahay Aaladaha dhiiri geliya Is-dhexgalka Bulshooyinka.

Radio.jpg3

Halkaan ka akhri

Jaamacadda magaalada Zürich ayaa laga hirgeliyey Idaacad lacag la’aan oo ku baxdo afafka kala duwan ee dadka Ajaanibka eek u nool dalkan Switzerland, taasoo wax weyn ka tari doonto Mashruuca Is-dhegelka iyo dhaqamada kala duwan.

Dhaqangalka Idaacaddan ayaa waxaa isku soo dubarriday dadka soo-gelootiga ah ee ku dhaqan dalkan Swisska, waana shey aad muhim u ah  oo caawinaya Jaaliyadaha Ajaanibka ah, si ay u ogaadan run ahaanshaha Swisska, waxaana fikridaas iska lahaa Wasaaradda Isgaarsiinta ee dowladda Federaalka Swisska.

Hirirka iyo Moojadaha uu ku baxo Radiyaha ayaa ah mid bulshadeed iyo Ganacsigaba ee la xiriira  arrimaha dadka Ajaanibka, hase ahaatee 6,4% kiiba waxaa ka baxa dhacdooyinka gudaha, wuxuuna aad uga hadlaa arrimaha Ajaanibka soo-gelootiga ah .

Raadiyahan Cusub ayaa wuxuu ugu horreyntii u dhaba galay si ay u shaqeeyaan Idaacadaha kale ee ka jira dalkan Swtzerland, waxaa ka mid ah: Radio Kanal K (Argovia), Radio X (Basilea), Radio Rabe (Berna), Radio Cité (Ginevra), Radio RaSa (Sciaffusa)e Radio LoRa (Zurigo).

Sidoo kale Idaacadahan ayaa badinkooda ka baxaa ugu yaraan 25tan Luqadood oo Brogaraamo kala duwan oo aad u farabadan, kuna baxo afafka dadka Socdaalka ku yimid ee Ajaanibka ah.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: