Gudoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan ee Maxkamadaha Islaamiga Sheikh Aadan Jilibeey oo is casilay.

baladweyne2006

Halkaan ka akhri

Gudoomihii maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan Sheikh Aadan Jilibeey ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadiisii.

Sheikh Aadan Jilibeey ayaa waxaa uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo sababaha ku kalifay in uu wakhtigan iska casilo jagadii uu u hayay Maxkamadaha Islaamiga, hase yeeshee waxaa uu carabka ku dhuftay in uu culeys uga yimid dhanka beeshiis, sida uu sheegay.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo xiisad colaadeed laga dareemayo gobolka Hiiraan, waxaana jirta in ciidamo Ethiopian ah ay ku sugan yihiin gudaha gobolkaasi.

Waxaa kaloo jirta cabsi laga qabo in xoogagga Al-Shabaab ay u dhaadhacaan gudaha gobolka Hiiraan, iyadoo wararku ay sheegayaan in ay ku hareereesan yihiin.

Si kasta ha ahaatee talaabadan uu qaatay mas’uulkii ugu sareeyay ee maamulka haatan ka arrimiya gobolka Hiiraan, iyadoo aan la ogeyn isbedalka iyo halka ay ku dambeyn doonto xaaladda gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: