Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ee degmada Basel oo gacanta ku dhigay 120 kg oo khaad ah.

qaad.jpg1

Halkaan ka akhri

BASEL – Nin dhalashadii lagu sheegay fransiis 43 jir ayaa Ciidanka Ilaalada  Xuduudaha ee degmada Basel ay joojiyeen, isagoo wato 120 chilogrammi oo khat ah, kuna jireen karoomo si fiican loo soo xirxiray.

Ninkan ayaa deggan degmada Strasburgo ayaa ugu denbeyntii loo gudbiyey Boliiska fransiiska.

Sida la wada ogsoon yahay “khaadka”, ayaa Wadamada  ka tirsan Yurub, Mareykanka iyo Australia u aqoonsadeen inuu Khaadka yahay Maandooriye Culus oo ka baxa Bariga Afrika iyo dalka Yemen, sidaa darteed Switzerland ay iyaduna ay go’aan ka gaartay   sanadku markuu ahaa1991ka in Khaadka uu yahay Daroogo ama Maandooriye Culus.

Sidoo kale ma ahan markii ugu horreysay oo ay Boliiska ama Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ay qabtaan dad la dhuumanaya Khaadka oo doonaya inay soo geliyaan Switzerland, hase yeeshee sida ay sheegeen Ciidanka Ilaalada Xuuduudaha inay qabteen Toddobaadkii tegay Nin Holandees ah iyo qof Soomaali ah oo sitay 140 Kg oo Khaad ah.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: