Afhayeenka dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeyey go’aanka IGAD ay ku gaartay in cunaqabatayn la saaro kooxaha Islaamiyiinta.

c-qaadir-walaayo

Halkaan ka akhri

Afhayeenka dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Walaayo ayaa shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan go’aanka ay maalinimadii shalay ku gaareen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dowladaha IGAD.

Dowladda waxay aad uu soo dhowanaysa go’aankaas waxayna naga caawin doonta sidii aan Kooxaha Qaska wada uga hortagi lahayn maadama labadaas meel ay hub uga soo geli jirtay, waxayna sidoo kale noo fududayn doonta dib uu soo celinta amaanka guud ee dalka.” Ayuu yiri Afhayeenka Dowladda KMG ah.   

Waxaa sidoo kale la weydiiyayay siduu uu arko eedeymaha loo soo jeediyey Dowladda Eriteria oo ah in ay taageerto Kooxaha Islaamiyinta ayna hub iyo dhaqaale ku taagaeerta, waxaa uu ku jawaabay.

Sidoo kale Afhayeenka Dowladda  C/qaadir Walaayo waxaa uu yiri “Waa wax xaqiiq ah, Wasiirka Amniga Qaranka waxaa uu asbuuci aan soo dhaafnay warkaas xaqiijiyey una sheegay in Dowladda Wadanka Soomaaliya arintaas Cadeymo u hayso, sidoo kale Dowladda Wadanka Eritrea waxay si bareer ah u sheegtay in wax Dowlad ah aysan ka jirin Wadanka Soomaaliya’’.

C/qaadir Walaayo waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u qorshaysan tahay in dalka ay dib ugu soo dabaasho Nabaglayo iyo kala dambayn waarta  Soomaaliya ka dib 18-sano uu Wadanka ay  ka socdeen Dagaalo sokeeye.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: