Weerar xoogan oo Xalay lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta Amisom eek u sugan Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

ciidamada_amisom

Halkaan ka akhri

Cutubyo ka tirsan ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Amisom ayaa xalay weerar xoogan lagula beegsaday fariisinka ay ku leeyihiin kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Saqdii dhexe ee xalay saacadu marka ay aheyd 03:00 ayaa waxaa la maqlayey hubka noocyadiisa kala duwan oo la’is weedaarsanayey, kadib markii weerar lala beegsaday ciidamada Amisom ee ku sugan fariisinkooda oo ku yaala Kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ay isweydaasanayeen labada dhinac ayaa lasheegay in ay kuwax yeeloobeen dad rayid ah oo deganaa xaafadaha ku dhow halka ay ciidamada Amisom degan yihiin ee Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Waxaa lasheegay illaa 2 qof in ay ku geeriyoodeen, kadib markii madfac uu ka dul dhacay guri ay deganaayeen, kaasoo qeyb ka ahaa madaafiicda la’isku adeegsanayey intii uu socday dagaalka dhex maray ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom iyo xoogaga weerarka kusoo qaaday.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo dad badan ay ka barakaceen guryahooda magaalada Muqdisho, ayna ku dhibaataysan yihiin goobihii ay u carareen iyadoo uu weli jiro dad ka barakacaya deegaanadooda si ay uga bad baadiyaan dagaalada soo noqnoqonaya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: