Wasiirka Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee DKMG Prof Cadow oo sheegay inay hayaan 100 Kursi oo Waxbarasho dibadeed ah.

cadow

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee  DKMG ah Pr.Ibaraahim Xasan Cadow  ayaa Maanta Xafiiskiisa Shir Jaraa’id ku qabtay, wuxuuna kaga Warbixiyey Shaqada Wasaaradiisa iyo Waxbarasho heer Jaamacadeed oo ay ka heleen Dalka Yeman.

Ugu horeyntii Prof.Ibraahim Cadow ayaa Shirkiisa Jaraa’id kaga warbixiyey Shaqada Wasaaradiisa waxa uuna tilmaamay in ay Wasaaradu tahay Bilow isla markaana Dhaqaalaheeda oo iska yar owgeed aysan u saamaxeynin inay gasho Safaro badan oo ay dhallinyaradu ugu raadiso aqoon kororsi heer Sare ah.

Prof. Cadow wuxuu Sheegay in ay Wasaaradiisu ku guuleysatay in ay soo hesho Deeqo waxbarasho oo gaaraya ilaa 100 Jago Aqoon Jaamacadeed ah oo ay ugu deeqday Dowladda Dalka Yeman , isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri “Ilaahey Fadligiis waxaan helnay Deeqo Waxbarasho oo si rasmi ah ku yimid waxaa ugu horeeyey Dalka Yeman oo nasiisay 100 kursi oo Deeq waxbarasho, 90 waa Shahaadada hore ,10 waa Daraasaadka sarsare”.

Sidoo kale Pr.Cadow  ayaa Sheegay in Deeqdan Jaamacadeed  ay si Cadaalad ku jirto u maamuli doonto Wasaaradu isla markaan ay arintaas guddi Cadaalad ah oo ka soo shaqeeya u saareen.

Wasiirka Waxbarashada Pr.Cadow ayaa Sheegay in ay Dhexdhigi doonaan Minxooyinka Dhamaan Ardada Heysata Shahaadooyinka Dugsiga Sare waxa uuna ku daray itaa in ardada lagu Xulan doono oo lagu kala saari doono Imtixaan laakin aysan jiri doonin Musuqmaasuq iyo Wax isdabamarin.

Prof. Cadow ayaa intaa ku daray in Imtixaanka lagu kala saarayo Ardada ay Qaban doonto Wasaaradiisa isla markaana uu ka Dhici doono Magaalada Muqdisho maadaama aysan Wasaaradiisu Xafiisyo ku lehyn Gobolada kale ee Dalka oo dhan, ardadana la doonayo in ay Muqdisho kugalaan Imtixaanka.

Dhanka  kale Wasiirku wuxuu sidoo kale uu sheegay in Ogeysiiska Imtixaankan uu Maalinta Barto ah oo ay taariikhdu ku begantahay 21/05/2009 uu bilaaban doono isla markaana ay Diiwaangalinta Ardada ay socon doonto laga bilaabo 30/05/2009 ilaa 14/06/2009.

Prof.Cadow ayaa sheegay in uu Imtixaanka lagu kala saarayo Ardada uu socon doono mudo labo maalmood ah oo kala ah 15-ka ilaa 16/06/2009 isla markaana ay u saari doonaan gudi Cadaaladiisa lagu kalsoon yahay.

Maadooyinka Lagu galayo Imtixaanka ayaa ku sheegay ilaa 7 maado oo kala ah: Xisaab, Physics, Chemistry, Biology, Geography, History iyo Tarbiyada Islaamka.

Prof. Cadow wuxuu carabka ku adkeeyey in ay dhamaadeen maanta wixii ka danbeeyey Aqoon Cilmiyeedkii Suuqa lagu iibin jiray Cidii lagu arkana ay Dambiile tahay maxkamadna la soo taagi doono.

Ugu danbeyntii Pr.Cadow ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin Qorshe dib loogu soo nooleynayo Jaamacadii hore ee Umada waxa uuna intaa ku daray in ay Macluumaad ka qaadanayaan Jaamacadaha haatan Dalka ka jira  isla markaana ay mideyn doonaan Jaamacadaha Dalka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: