Gudoomiyaha Xisbul Islaam oo ku eedeeyay dawladda KMG Soomaaliya in ay ka dambeyso dib usoo geliytaanka ciidamada Ethiopia ee Somaliya.

Halkaan ka akhri

Dr. Cumar Iimaan Abuubakar gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa ku eedeeyay dawladda KMG Soomaaliya in ay kadambeyso soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya.

Dr. Cumar Iimaan waxaa uu sheegay in ay mas’uul ka tahay soo laabashada ciidamada Ethiopia dowladda KMG Soomaaliya oo aysan ka hadli karin, waxna ka qaban karin gumaysiga ay damacsan tahay dowladda Ethiopia, sida uu hadalka u dhigay.

Soo laabashada ciidamada Ethiopia ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka Soomaaliya meelo ka mid ah, ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa iyadoo ay dagaalo kasocdaan magaalada Muqdisho iyo gobolada Soomaaliya Qaar.

Dr. Cumar Iimaan waxaa uu sidoo kale ku goodiyay in ay ka hortagi doonaan ciidamada Ethiopia ee gudaha usoo talaabay dalka Soomaaliya, ayna ka qaadi doonaan talaabada ugu haboon, sida uu hadalka u dhigay. 

Dr. Cumar Iimaan ayaa sheegay talaabada ay dib ugu soo laabateen ciidamada Ethiopia gudaha Soomaaliya in ay tahay mid ay weligeedba wadeen, aysan aheyn wax xilligan lala yaabo sababta ay usoo laabteen.

Si kastaba ha ahaatee waxaan weli ka hadlin dawladda KMG ah soo galitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo uu sii kordhayo walaaca ay Shacabka ka muujinayaan dib usoo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: