Wasiirada Arimaha dibadda ee dowladaha Midowga Yurub oo Canbaareeyay Dagaalada Muqdisho.

Calamada QM,EU,AU  Iyo Somalia

Halkaan ka akhri

Wasiirada  Arimaha Dibadda  ee Midowga Yurub ayaa shalay Canbaareeyay Dagaalada cusub ee ka socda Caasimadda Muqdisho oo ay ku tilmaameen mid lagu Bartilmaameedsanayo Dowladda KMG ah iyo Heshiiskii Djibouti.

Bayaan ay soo saareen Wasiiradda ayay ku Baaqen in si Deg Deg ah loo joojiyo Dagaaladda wali ka sii socda Muqdisho.

Sidoo kale Bayaanka ayaa waxaa Wasiirada kaga doodeen kulankooda shalay Xaaladda Soomaaliya, waxayna soo dhaweeyeen Talaabooyinka ay Qaadatay Xukuumadda KMG ah si ay u xoojiso Arimaha Siyaasadda ee horseedi kara in la qabto Doorashooyin Cadaalad ah oo xor ah ugu danbeyntiina xal kama danbeysa ah loogu helo Dhibaatadda Soomaaliya”.

Dhanka  kale Bayaanka ayaa lagu xusay in ay lagama maar-maan tahay in Dowladaha Gobolka ay kaalin ka qaataan arinta Siyaasadda, wuxuuna Midowga Yurub u mahadceliyay Dowrka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ay lagama maar maan tahay in Dowladaha ku jira Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ay sii wadaan Wada shaqeyntooda iyaga oo Hogaaminayo Axmed Waldu Cabdalla U qaabilsanaha Q.M arinta Soomaaliya.

SomaliSwiss      Bruxelles

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: