Soomaalida ku dhaqan dalka Switzerland oo si wanaagsan u Xusay sanad guurada 66-aad ee 15-ka May.

15ka May

Halkaan ka akhri

15ka May.jpg1Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusaayo Sanadguurada 66aad ee Xisbigii Dhaliyarada ee SYL ayaa lagu qabtay Magaalada Genéve ee Dalka Switzerland.

Waxaa Munaasabaddaas soo abaabulay Ururrada Jaaliyadaha ee Kantoonada Geneve, Neuchòtel iyo Zürich, waxaana ka soo qayb galay Marti sharaf kala duwan ee lagu soo Casumay Xafladdaas.

15ka May.jpg2Ugu horreyntii waxa lagu soo dhaweeyay Dr Abdulkadir Cali Boolaay oo Munaasabadaas lagu soo casumay, kana yimid Dalka Ingriiska Dr. Boolay oo ahaa nin Rug-cadaa, lana soo shaqeeyay SYL, wuxuuna  ka hadlay tariikhda iyo waqabadka Ururkii SYL asagoo u sheegay dhalinyarada in dhib loo soo maray xoriyada ay heshay Soomalida.

 
Dr. Boolay ayaa waxaa lagu soo dhaweyay heesta Calanka ee loogu magac daray Qulabaa calankee, kadib waxay dhalinyarada soo bandhigeen hidaha iyo dhaqanka Soomalida ay ku ciyaareen Dhaantada iyo Walisaqada oo aad loola dhacay.

Waxaa kaloo lagu soo bandhigay Munaasabadaas buugag ku qornaa taariikhda Soomalida iyo Madaxdii soo martay Soomaliya oo dadkuu xafladaas imaaday ku iibsadeen si ay u akhristaan.

15ka May.jpg3Sidoo kale waxaa  Munaasabadaas ka soo qayb galay sheikh Axmed oo ka socday Gobolka Aarau oo isna ka hadlay  tariikhda Islaamka, sheegayna in diinta ay nafarareyso in dalkaada aad jeclaatid oo aad difaacdo wacdigaa.

kadib waxaa hadalka soo gabagabeeyay Xaliimo sacdiya oo runtii iyada isku xoogga saartay sidii u  qabsoomi Munaasabadaas Taariikhiga ah, waxayna sheegtay in qof kasta jecel dalkiisa ay waajib ku tahay inuu weyneeyo taariikhdiisa, sida taariikhaha aanu leenahay sida 1da LUULYO iyo maalmaha xoriyadaha ay Soomalida  leedahay.

Guddoomiye ku-xigeenka jaaliayada Zurich Bashiir Cabdikqaadir oo halkaas ka hadlay  ayaa u hanbalyeeyay  Soomaalidii halkaas isugu timid iyo Jaaliyadda Gobolka Geneve oo si aad u karaameeyey maalinta Taariikhiga ah ee 15ka May.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: