Mas’uul ka tirsan Midowga Afrika oo ugu baaqay Q.M in ay la wareegto Nabad Ilaalinta Soomaaliya.

Flag of African Union

Halkaan ka akhri

Mas’uul ka tirsan Midowga Afrika ayaa sheegay in Midowga Afrika uu ugu baaqay Q.M in ay kala Wareegto Howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya Xili ay Q.M Diiday in ay Qaadato Talaabo Dhinacaas ku wajahan, Duruufaha Xiligan Soomaaliya ka jira owgood.

Ninka Madaxa ka ah Golaha Amaanka Midowga Afrika Ramadaan Al-Cimaamirah ayaa Shalay Sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Q.M ay Xoojiso Dowrkeeda Soomaaliya iyaga oo geynaya Ciidamo Caalami ah isla markaana Q.M la hoosgeeyo Ciidamada Afrikaanka ah ee haatan Dalka Jooga.

Qaramada Midoobay ayaa  Bishii la soo Dhaafay Sheegtey in Xaaladaha Soomaaliya ka jirta owgeed aysan Suurtagal ka aheyn in wax laga badalo wadciga Qaanuuniga ah ee Ciidamada Afrikaanka ah loogu Badalayo Ciidamo Qaramada Midoobay hoos taga,

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: