Dawladda Australia oo $3.5 Milyan ugu deeqday dawladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee ku sugan Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dawladda Australia ayaa sheegtay in dawladda KMG ah ee Soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan illaa $1.5 Milyan, iyadoo sidoo kalena sheegtay in ay ugu deeqday ciidamada Amisom ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta lacag dhan $2 Milyan.

Dowladda Australia ayaa sidoo kale sheegtay in xeebaha Soomaaliya ay u soo dirayso maraakiib dagaal si ay uga qeyb qaataan howl galada lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.

Wasiirka Arimaha dibadda ee dowladda Australiya Stephen Smith ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay u baahan tahay caawinaad dhinac walba ah si ay u fulisa howlaheeda dowliga ah iyo si ay wax uga qabato Ammaanka dalka Soomaaliya.

Dowladda Australia ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso sidii ay u fulin laheyd qorshahan ay soo bandhigtay ee ay ku garab istaagayso dawladda KMG Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee lacagtan ay dowladda Australiya sheegtay in ay ugu deeqday dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Amisom ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa iyadoo dhowaan ay dowladda KMG Soomaaliya Taageera lacageed oo dhan illaa 260 Milyan oo dolar ka heshay dowladaha Yurub Shirkii dhowaan ka dhacay Brussels ee dalka Bilgium-ka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwisss@hotmail.com

 

 Australia gives $2 million to Somalia..

Australia has pledged $2 million for the troubled African nation of Somalia, and is considering sending a naval ship to the Gulf of Aden to help fight piracy.

The federal government has also given $1.5 million to the United Nations humanitarian appeal and $500,000 to the African Union.

Foreign Minister Stephen Smith says the transitional government in Somalia needed help to re-establish peace and security.

“The very terrible situation on the ground in Somalia over the past two decades has added to the difficulties of piracy off the coast of Somalia in the Gulf of Aden and the Horn of Africa,” Mr Smith told Sky News.

Two Australian warships on Sunday rushed to the aid of a freighter under attack in the Gulf of Aden, off the Somali coast, from pirates firing rocket propelled grenades and attempting to board the vessel by force.

The Australian government was considering whether to send a naval ship to the Gulf of Aden to aid existing anti-piracy taskforces.

“It’s not generally what you’d describe as our area of orientation,” Mr Smith told ABC Television.

“We know from general experience that the Gulf of Aden is of course a very important transport route… it’s very important to Australian exporters.”

Sourse The Age

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: