Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Maxkamadaha oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe.

Halkaan ka akhri

Dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya xoogagga Al-Shabaab iyo Maxkadaha Islaamiga ee dhowaan lagala wareegay degmada Jowhar ayaa ka dhacay duleedka degmada Jowhar.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo dadka deegaanada u dhow Jowhar ay sheegeen in la maqlayay rasaas kala duwan oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen intii dagaalka uu socday.

Gaadiidka iyo isu socodka bulshada ee degmada Jowhar iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa istaagay, iyadoo ay weli xaaladdu tahay mid cakiran.

Shalay ayay aheyd markii saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab ay dadweynaha goob fagaara ah kala hadleen gudaha degmada Jowhar, iyagoona u sheegay in ay isdejiyaan taasoo ka dhigan in maamulka ay la wareegeen xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: