Ciidamo Ethiopian ah oo Taangiyada dagaalka ku hubeysan oo mar kale dib usoo galay gudaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah oo ku hubeysan Taangiyada dagaalka ayaa la sheegay in ay soo gaareen deegaano ay kamid yihiin Kala-beyr-ka oo 25-KM u jirta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada Ethiopia ee Maanta soo gaaray deegaanada Kala-beyr, Jawiil iyo Feer-Feer ayaa lasheegayaa in ay wehliyaan ciidamo Soomaali ah.

 Soo galitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in xoogagga Al-Shabaab ay u soo dhaqaaqaan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa iyadoo ay Wasiirada Amniga iyo Maaliyadda dowladda KMG Soomaaliya ay ku sugan yihiin magaalada Addis Abeba ee dalka Ethiopia.

Dhinaca kale Maamulka iminka ka taliya gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu iska difaaci doono xoogaga Al-Shabaab hadii ay kusoo duulaan ama kusoo xad gudbaan gobolka ay ka taliyaan.

Ciidamada Ethiopian-ka ee Maanta lagu arkay deegaanada Kala-bery, Jawiil iyo Feer-Feer ayaa waxaa hogaaminaya sida lasheegay xubno Soomaali ah.

Sidoo kale waxaa la arkayey ciidamada Ethiopia oo bilaabay baaritaano ay ku sameynayaan gaadiidka dadweynaha, waxaana daqiiqad walba sii kordhaysa walaaca ay dadweynaha ka muujinayaan dagaal mar kale ka Qarxa gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: