Wasiir katirsan dowladda Ethiopia oo beeniyay in ciidamadooda ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya.

ethiopia parliament

Halkaan ka akhri

Wasiir Isgaarsiinta dawlada Ethiopia oo lagu magacaabo Ermiyas Leges oo u waramayay AFP ayaa beeniyay in ay wax ka jiraan wararka sheegaya in ciidamadooda ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya.

Wasiirk Isgaarsiinta dowladda Ethiopia ayaa yiri “Anaga ciidamadeena ma aysan galin gudaha dalka Soomaaliya, mana jiraan go’aan ay wax ka badashay dawladda Ethiopia”.

Dad goobjoogayaal ah oo ku kala dhaqan deegaanada Kala-beyr, Jawiil iyo Feer-Feer ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen ciidamo Ethiopian ah oo tira badan oo wata gawaarida gaashaaman oo ku sugan deegaanadaasi.

Si kasta ha ahaatee waxaa dadweynaha Soomaaliyeed weli dhagahooda ka guuxaya madaafiicdii iyo xasuuqii ay horey uga gaysteen ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya, tana ay noqoneyso markii labaad ee ay kusoo mar mar siyoodaan in xoogagga Islaamiyiinta ay weerar ku yihiin dalka Ethiopia.

Balse waxaas oo dhan sida muuqata waxaa sabab ahaan ay ka imaanayaan dhinacyada Soomaalida ee ku hardamaya hogaanka dalka Soomaaliya, oo iyagu aan u daneyneyn Shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada halakeysay 18-kii sano ee tagay.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: