Wasiirka Cadaaladda dawladda KMG oo sheegay in dawladda dagaalka lagu bilaabay, horeyna loo dilay culimo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga.

janaqow

Halkaan ka akhri

Wasiirka Cadaaladda dawladda KMG ah ee Soomaaliya Sheikh C/Raxmaan Max’uud Faarax Janaqow ayaa sheegay in xoogaga Mucaaradka ah ay weerarka ku soo qaadeen ciidanka dawladda KMG ah ee Soomaaliya, markii horena ay wadeen dilal qorsheysan oo ay ku beegsanayeen xubno muhim ah oo katirsan dawladda KMG Soomaaliya.

Sheikh C/Raxmaan Janaqow waxaa uu cadeeyay in hada dagaalada Muqdisho ka soconaya ay yihiin kuwo dibadda laga soo maleegay laguna doonayo in lagu maja xaabiyo dadaalka dawladda KMG ah ay ugu jirto dib usoo nooleynta nabad kadhalata dalka Soomaaliya, sida uu sheegay.

Wasiirka Cadaaladda waxaa kaloo uu intaasi raaciyay in dagaalada ay billowdeen kadib markii dilal gaadmo ah ay xoogaga Mucaaradka ah ay kula kaceen xubno kamid ahaan jiray Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliyeed ee lasoo dagaalamay ciidamadii Ethiopia, kuwaasi oo la shaqeynayay dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dhanka xoogaga Islaamiga ah waxay iyana ku eedeeyeen dawladda KMG ah in ay masuul ka tahay dagaaladaasi ayna dhankeeda lacago badan kusoo qaadatay la dagaalanka Islaamiyiinta Soomaaliya.

SomaliSwissMuqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: