Ururka Midowga Afrika oo sheegay inay ka go’an tahay in ay bad baadiyaan dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Nicolas Bwakira

Halkaan ka akhri

Sarkaalka ugu sareeya Ururka Midowga Afrka ee arrimaha Soomaaliya Nicolas Bwakira ayaa sheegay in ay sameyn doonaan wax walba oo karaankooda ah si buu yiri loo difaaco dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Nicolas Bwakira ayaa sheegay Midowga Afrika in ay ka go’an tahay taageeridda dawladda KMG Soomaaliya, isagoona si kulul u eedeeyay xoogaga Mucaaradka oo uu sheegay in ay doonayaan in ay xoog xukunka ula wareegaan taasoo uu sheegay in ay tahay mid aan la aqbali karin.

Nicolas Bwakira waxaa uu sheegay in dawladda KMG Soomaaliya ay codsiyo u dirtay dawlado kale si ay uga hesho hub ka tayo roon midkeeda, isagoona carabka ku dhuftay in ay suurta gal tahay in ay gacan ka helaan ciidamada gaashaan buurta NATO.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ku soo qul qulayaan hub fara badan oo sharci darra ah, kaasoo ay sheegeen in xoogagga Mucaaradka uu uga imaanayay dhinaca dowladda Eritrea, iyadoo dhanka kale wakiilka QM ee Soomaaliya isaguna sheegay in dalka Soomaaliya ay joogaan illaa 300 oo xoogag shisheeye ah.

Dawladda KMG Soomaaliya ayaa ugu hanjabtay xoogaga Mucaaradka in ay mudo kooban uga sifeyn doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee dawladda KMG ahC/raxmaan C/Shakuur.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: