Qarax Bambaano xoogan oo Xalay fiidkii ka dhacay magaalada Baladweyne.

baladweyne

Halkaan ka akhri

Qarax ka Dhashay Bamka Gacanta laga tuuro  ayaa Xalay fiidkii lagu Weeraray Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka MMI ee Magaalada Baled-Weyne Xili ay ku sugnaayeen Agagaarka Xaafada Buunda-Weyne ee Bartamaha Magaalada Baled-Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee Qaraxan ayaa sababay Dhaawaca Askari ka tirsan Ciidamadii lagu Weeraray, Tacshiirad ka danbeysay Qaraxa ayaa sidoo kale sababtay Geerida Wiil Dhalin yaro ah iyo Dhawaca Qofkale oo Rayid ah.

Qaar ka mid ah Dadka ku Dhaqan Magaalada Baled-Weyne ayaa loogu Sheegay in Wiilka Dhalinyarada ah ee Geeriyooday oo Magaciisa lagu soo gaabiye (Jeele Qawaar) uu ku sugnaa Meel aan sidaa uga fogeyn Halka la weeraray isla markaana uu u geeriyooday Rasaas Haleeshay kadib Qaraxa.

Sidoo kale dhaqdhaqaqii iyo isu socodkii Dadka iyo Gaadiidka ee Magaalada Baledweyn ayaa Xalay Gabi ahaanba Istaagay Qaraxa kadib.

Dhnka kale Saraakiisha Maamulka MMI ee Magaalada Baled-Weyne ayaa Sheegay in ay wadaan Baaritaan la xiriira sidii ay gacanta ugu soo Dhigi lahaayeen Dadkii Ka danbeeyey Qaraxa isla markaana ay ku Raad joogaan.

Si kasta ha ahaatee Qaraxyada Waqtiyada Habeenkii ka Dhaca Magaalada Baled-Weyne ayaa Bilihii ugu Danbeeyey ku soo noqnoqday Gudaha Magaalada Baled-Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss    Baladweyne

SomaliSwiss@hotnaik.com

%d bloggers like this: