Golaha Amniga Q.M iyo Golaha Amniga & Nabadda M.Afrika oo Maanta kulan uga furmay Addis Ababa.

Afrika1

Halkaan ka akhri

Waxaa manta  ka furmay Magaala Madaxda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa kulankii sadexaad oo dhexmaraya Golaha Amaanka Q.M iyo Golaha Nabadda iyo amniga ee M.Afrika, si ay uga wada xaajoogaan isbadallada dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha ee xilligan ka jira Qaaradda Afrika.

Kulankan oo ay si wada jir ah u qaadanayaan Golaha Amniga Q.M iyo Golaha Nabadda iyo amaanka M.Afrika ayaa la sheegay in si goon ah diiradda loogu saari doonaa Xaaladaha ka soo cusboonaaday Soomaliya gaar ahaan dagaaladii ka soconayay maalmihii lasoo dhaafay oo golayaahaasu ay aragti ahaan si weyn u garab taagan yihii Dowladda KMG ah ee uu hogaamiyo Sheikh Shariif Sh. Axmed ayna sheegeen in ay taageero dhan walba ah la garab taagan yihiin.

War horudhac ah ay soo saareen Golaha Nabadda iyo Amniga ee M.Afrika ayaa sheegaya in kulanka si goon ah la isku dhaafsanayo fikradaha khuseeya qadiyadaha Muhimka ah ee ay wadaagaan labada gole iyo sidii loo heli lahaa wadiiqo lagu xoojin karo wadashaqaynta iyo adkaynta xiriirka ku aadan Nabadda iyo Amniga Afrika.

Hase ahaatee Golayaasha ayaa waxay kulakooda ku soo qaadi doonaan arrimaha Daarfoor, Koonfurta Suudaan, Muritaaniya, iyo Madagaskar iyo in la kaalmeeyo lana garab istaago ciidamada M.Afrika ee ku mashquulsan Nabad ilaalinta kuwaas oo ku sugan dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Sudan.

Waa Kulankii sadexaad ee ay wada qaateen golaha Amaanka Q.M iyo Goalaha Nabadda iyo Amaanka M.Afrika balse waxaa kulamo noocan oo kale ah ay sanadyadii 2007 iyo 2008 oo ka dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo New York.

SomaliSwiss    Addis Ababa

 SomaliSwiss@hotnaik.com

%d bloggers like this: