Dagaal dib uga qarxay deegaanka Maxaas iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka bad baaday Qarax ka dhacay magaalada Baladweyne.

baladweyne

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha maamulka haatan ka taliya gobolka Hiiraan, Sheikh C/raxmaan Macow ayaa ka bad baaday qarax ka dhacay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waa qaraxii labaad oo mudo saacado gudahooda ah oo ka dhaca gudaha magaalada Baladweyne, iyadoo qaraxii u dambeeyay uu ku dhaawacmay qof rayid ah.

Taliyaha amniga maamulka gobolka Hiiraan Axmed Inji ayaa sheegay in labo qof loo qabtay qaraxii Maanta ka dhacay magaalada Baladweyne oo loogu shakisan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxa oo ahaa mid weerar ah, sida uu sheegay Taliyaha.

Dhinaca kale Xaalad deganaansho ayay Saakay ku waabariisatay deegaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyadoo hadana uu dib u bilawday dagaal u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda oo halkaasi ku wada sugan.

Xoogagga kala taabacsan Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ayaa hadana isku qaaday weeraro cusub, iyadoo la maqlayo rasaas iyo madaafiic xoogan oo ay isweedaarsanayaan dhinacyada ku hardamaya deegaanka Maxaas.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Maxaas ayaa dareen cabsi xoogan ah ka muujinaya dagaalkan dib u bilowday, kadib markii ay soo rogaal celiyeen garabkii shalay laga saaray deegaanka Maxaas.

Inka badan illaa toban qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tan iyo markii uu dagaalku qarxay Maalinimadii shalay, iyadoo haatan ay xaaladdu weli tahay mid kacsan.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: