Xuska sanad guuradii 66-aad ee Ururkii Halgamayaasha SYL oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Taalada SYL

Halkaan ka akhri

magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu qabtay munaasabado lagu maamuusayo aaskaaskii Ururkii gobonimadoonka ahaa ee SYL,¬†munaasabadaas oo ay ka qeyb qaateen xubno mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Ururka SYL ayaa waxaa la aas aasay Maanta oo kale sanadka markuu ahaa 1943-dii, iyadoo ay ku midoobeen dhalinyaro badan oo door lama iloobaan ah ka soo qaatay gobonimada dalka Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa Xubnaha ka hadlay waxaa ay ka sheekeeyeen wax qabadkii Ururkii dhalinyarada ee ku mideysnaa SYL, iyo weliba dhibaatooyinka xilligan haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dabadda.

Xilligan oo kale ayaa dalka qeybo ka mid ah waxaa lagu qabtaa munaasabado lagu xusuusanayo Ururkii SYL iyo wax qabadkiisa, kaasoo la aas aasay mudo haatan laga joojo 66-sano.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: