Wasiirka qorsheynta dawladda KMG C/raxmaan C/shakuur oo ku hanjabay in dalka laga sifeyn doono xoogagga Mucaaradka.

c-raxmaan-c-shakuur

Halkaan ka akhri

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro qorshe ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam ee kula dagaalama dawladda KMG gudaha magaalada Muqdisho.

C/raxmaan C/Shakuur waxaa uu sheegay in wixii Maanta ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin, lagana sifeyn doono guud ahaan dalka ururada kaoo horjeeda ee la dagaalama ciidamada dowladda KMG ah, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayuu ka jeediyay isagoo ka qeyb galayey munaasabad Maanta lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho, isagoona carabka ku adkeeyay in dawladda KMG ay wado qorshe lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdiho.

Warkan ayaa dareen aad u xoogan ku abuuray dadweynaha oo iyagu lagu dul dagaalamayey todobaadkii u dambeeyay, kuwaas oo ay ka soo gaareen dhibaatooyinka ugu badan ee qasaaraha ka dhashay dagaaladii Maalmahan socday.

Hadalkan ayaa muujinaya in dagaalka Muqdisho uu sii xoogaysan doono marka loo eego hanjabaada kulul ee ka soo yeertay wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee dawladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: