Mareykanka oo Eretrea ku tuhunsan gacan siinta Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Ian Kelly

Halkaan ka akhri

War ka soo baxey Shalay Dowalda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahey Xaalada amaan daro ee ka jirta Soomaaliya, sidoo kalena ay aad uga wel wel san tahey gacanta Military ee Dowlada Eretrea u fidineyso Xoogaga ka soo horjeeda Dowalada KMG ah.

Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee Mareykanka Ian Kelly ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ku boorineysaa Dowlada Eretrea inay joojiso amaan darada ay ka wado Soomaaliya”.

Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegay in 120 Qof ku dhinteen Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa 400 qof oo kale.

Dowladda KMG ah ayaa Goor hore eedeyn la mid ah tan Mareykanka u jeedisay Dowlada Eretrea, waxayna sheegtay inay Gacan Military u fidiso Xoogaga hubeysan ee iyada ka soo horjeeda, si loo khal-khal geliyo jiritaanka DKMG ah.

Sidoo kale Kelly oo u hadlayey Wasaarada Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa intaa ku darey in faragelinta Dowlada Eretrea ku heyso Soomaaliya ay saameyn ku yeelan karto hadii ay sii socoto Xiriirka labada dal ka dhaxeysa. Waxa kale oo uu intaa ku darey in arintaa si deg deg ah u joojiso Dowlada Eretrea.

Si kasta ha ahaatee  Dowlada Mareykanka ayaa ugu baaqdey dhamaan dhinacyada is haya inay xabada joojiyaan, sidoo kalena ay gacan ka geystaan kaalmooyinka Bani’ Adanimo sidii loo gaarsin lahaa Dadka loogu talo galey.

Isha warka Wakaaladaha Wararka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: