Maamulka ka arimiya magaalada Kismaayo oo sheegay in uu qeyb ka yahay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho.

Kismaayo

Halkaan ka akhri

 

Sheikh Xasan Yacquub oo ah madaxa warfaafinta ee maamulka Islaamiga ee ka arrimiya magaalada Kismaayo ayaa mar uu ka hadlayay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho isagoona eedeyn kulul u jeediyay madaxweynaha dawladda KMG Soomaaliya.

Sheikh Xasan Yacquub ayaa yiri “Dhex dhexaad kama nihin ee qeyb ayaan ka nahay dagaalka Muqdisho waxaana kasoo horjeednaa cadawga dalka ku sugan iyo kuwa la safan intaba”.

Sheikh Xasan Yacquub ayaa isagoo ku sugan gobolka Gedo waxaa uu sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin illaa ay dalka ka baxaan ciidamada Amisom, isagoona ku eedeeyay Madaxweyne Sheikh Shariif in uu qaadayo dhabahii maamulkii hore ee TFG-da oo sabab u ahaa in Ethiopia ay dalka soo gasho.

Sheikh Xasan Yacquub ayaa mar uu ka hadlayey ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo dawladda KMG ay horey u ansixisay fulinta qodobkaasi, ayaa waxaa uu ku sheegay in dano gaar ah ay ku wadato dawladda KMG Soomaaliya ayna dhab ka aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Si kasta ha ahaatee, warkan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli maalmahan ay dagaalo qaraar ay hareeyeen xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyadoo weli ay barakacayaan dadweye aad u fara badan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: