Wakiilka gaarka ah ee QM. u qaabilsan Soomaaliya oo Sheikh Xasan Daahir ku eedeeyay in uu wado qorshe lagu afgambinayo dawladda Soomaaliya.

ahmedou-ould-abdallah-speaks1

Halkaan ka akhri

Wakiilka qaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmedou Ould Abdalla ayaa ku eedeeyay Hogaamiyaha mucaaradka Sheikh Xasan Daahir Aweys in uu wado qorshe la damacsan yahay in lagu afgambiyo dawladda KMG Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in la aqbali doonin in xukunka laga fara maroogsado dawladda uu hogaanka u hayo madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, taasoo dhisideedana ay dadaal badan ku bixisay Qaramada Midoobay.

Ahmedou Ould Abdalla waxaa uu sheegay dib ugu soo laabashada Sheikh Xasa Daahir ee gudaha dalka Soomaaliya oo uu mudo ah ka maqnaa ayaa waxaa uu ku tilmaamay mid qas iyo jahwareer dib u abuurtay, isagoona uga digay dagaalka uu wado.

Dagaalka dib u soo cusboonaaday oo Maalintii lixaad si goos goos ah u soconaya ayaa galaaftay nolosha Shacab fara badan, iyadoo weli ay soo baxayaan baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo garabyada hubeysan in ay xabada joojiyaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: