Sareeye Gaas Yuusuf Xassan Dhuumaal oo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Milatariga Dowladda KMG ah.

militariga somaliya

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada DKMG ah ayaa waxaa manta kulan  ku yeesheen AqalkaRa’iisal-wasaaraha Dowladda KMG ah Dr. Cumar C/rashiid, isla markaana ahaa shir Gudoonka Golahaas.

Sida wararka aan ka helnay magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in kulankan xilka looga Qaaday Taliyihii Ciidamada Milatariga DKMG ah Saciid Maxamed Xirsi, isla markaasna loo magcaabay Xilkaas Generaal Yuusuf Xassan Cusmaan (Yuusuf Dhuumaal).

Wasiirka Warfaafinta Mudane Farxaan Cali Maxamuud oo arintaas ka hadlay wuxuu yiri: “waxaa la magacaabay Sareeye Gaas Yuusuf Xassan Cusmaan oo loo yaqaano Dhuumaal in uu yahay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka iyada Taliyihii hore Sareeye Gaas Saciid Maxamed Xirsi oo hadda Noqonaya la Taliyaha Madaxweynaha ee Xagga Amniga”

Hase yeeshee Wasiirku ma uusan sheegin Sababta xilka looga qaaday Saciid Maxamed Xirsi, mana jirto wax war ah oo Taliyaha ka soo baxay.

Sidoo kale Farxaan Farxaan Cali Maxamuud ayaa sheegay in kulankooda ay uga hadleen Dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho wuxuuna ka yiri“waxaa iyadana sidoo kale aad loo qaada dhigay xasaradda Dagaal ee Maanta ka oogan Dalka Gudihiisa haddii ay noqon lahayd Caasimadda Muqdisho iyo Gobolo iyo Degmooyin fara badan ee Dalka”.

Dhanka kale waxaa marka hore Wasiiradu isla garteen in Shacab weynaha Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan sida: culimaa’udiinka Odayaasha Dhaqanka wax-garadka, Ganacsatada Aqoonyahanadda, Haweenka Dhalinyaradda iyo  Guud ahaan Shacabka in si toos ah Golaha Wasiiraddu u dareensiiyo Khatarta maanta ka taagan Dalkooda Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta  wuxuu weeraray Sheikh Xassan Daahir Aweys oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara, wuxuuna ku eedeeyay in imaanshihii Saaxadda ku soo kordhiyay dagaal  wuxuuna ku tilmaamay “Mid guracan” sidoo kale wuxuu si barer u billaabay dagaal lagu xasuuqaya Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsanin.

Hase ahaatee Sheikh Xasan Daahir Aweys wuxuu Siyaasadda ku soo kordhiyey Dhaq-dhaqaaq fara badan Maskax Guracan iyo Kacdoon lagu doonaya in lagu Afgembiya Dowladda uu Sheikh Shariif madaxda ka yahay.

Ugu danbeybtii Mudane Farxan ayaa soo bandhigay Warbixinta khasaare ee ka dhalatay Dagaalada Muqdisho, wuxuuna yiri“Sideedii Maalin ee la soo dhaafay Dagaalkii iyo Bur-burkii ee ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa uu sababay in infara badan oo shacabkii ah ay Barakacaan… ku dhawaad 18 kun oo qofood ayaa ka Barakacday Magaalada Muqdisho una Barakacay Ceelasha Biyaha iyo Meelihii loo Barakici jiray, waxaa ku Dhaawacmay 420 Qofood, marka aanu waraysanay Goobaha Madaxa banaan ee Isbitaaladda iyo Hay’addaha. Waxaa ku dhintay 103 qofood, waxaa meesha ka dhacay Bur-bur aad u fara badan”.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmal.com

%d bloggers like this: