Maxamed Dheere oo Muqdisho soo gaaray iyo kulamo uga socda madaxtooyada isaga iyo Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed.

maxamed-dheere1

Halkaan ka akhri

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho, iyadoona halkaasi ay ku soo dhoweeyeen xubno saaxibadiis ah oo qaarkood ay ka tirsan yihiin dowladda midnimada Qaranka ee Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa loo soo galbiyay guri looga sii diyaariyay magaalada Muqdisho, isagoona durbadiiba kulamo kala gooni gooni ah la yeelanaya madaxda qeybaha kala duwan ee dowladda KMG Soomaaliya.

Maxamed Dheere ayaan ilaa iyo haatan si rasmi ah u shaacin ujeedada socdaalkiisa, iyadoona la filayo in qeybaha Warbaahinta uu faahfaahin uga bixiyo dib usoo laabashadiisa, xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan dagaaladii ugu xumaa ee u dhaxeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab oo ay wehliyaan Xisbul Islaam.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa lagu soo waramayaa in uu kullan xaasaasi ah xarunta madaxtooyada Villa Somalia kulla leeyahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamad Cumar Xabeeb Maxamad Dheere.

Lama oga labadan Mas’uul waxyaalaha ay uga wada hadlayaan kullankan uga socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, laakiin waxay wararku sheegayaan in ay ka wada tashanayaan dagaalada Culus ee ka socda baryahan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa durba iyagu aragtiyo kala duwan ka bixiyay imaatinka Maxamed Dheere ee magaalada Muqdisho waxa xilligan ku soo beegay, waxayna dadka qaarkiis welwel ka muujiyeen soo laabashadiisa oo ay sheegeen inay ku soo daba joogaan ciidamada gumeysiga  Ethiopia oo saaxib dhow ay yihiin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: