C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in haddii ay dagaalada Muqdisho sii socdaan dalka la wareegi doonaan cadaw shisheeye.

8295

Halkaan ka akhri

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa cambaareeyay dagaalada qaraar ee maalintii 8-aad ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Dr. Cabadi Qaasim Salaad Xasan wuxuu Mas’uuliyadda dagaalada Muqdisho ka socdo ku eedeeyay Cadawga Soomaaliya oo doonayo in Soomaalidu islayso sida uu hadalka ud higay.

Waxaa kaloo Cabdi Qaasim uu ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay fashiliyaan dhagarta shisheeyaha islamarkaana ay dagaalada joojiyaan si loo helo hanaan nabadeed oo dalka lagu dejiyo.

Cabdi Qaasim Salaad Xasanoo ka hadlayaa arrimaha dagaalka wuxuu yiri: ” Dagaalada socdo waa nasiib darro waxaana mas’uul ka ah Cadawga Somalia oo marba kooxo aan Nabadda rabin qoorta isku geliyo,labada dhinac ee dagaalamaya waxaa waalaya shayaadiin u Ooman daadinta dhiigga Somalida”.

Si kasta ha ahaatee Dr. Cabdi Qaasim wuxuu walaac ka muujiyay in Somalia ay ugacan gasho Cadaw doonayo in uu xalaalaysto khayraadka Somalia ” waxaa xaqiiq ah in baddeena ay taaganyihiin Ciidamo gumaysi ah haddii kuwa Islaamiyiinta ah siiwadaan dagaalada waxaa dhici karta in diyuuradaha badda jooga ay magaalada duqeeyaan dabadeedna  dalku galo gumaysi “ayuu Cabdi Qaasim sii raaciyay hadalkiisa.

SomaliSwiss        Qahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: