Ururka Rajo Iyo Jaaliyadaha gobolada Switzerland oo kulan ku yeeshay Maqaayadda Soomaalida ee Zürich.

Rajo Zürich8

Halkaan ka akhri

Rajo Zürich6Waxaa  taariikhda markay ahayd 10 Bisha Mai 2009ka Magaalada Zürich ka dhacay kulan uu soo qaban qaabiyey Ururka Rajo Peace, Integration & Development for Somalia, kaasoo ku kulmaayey qaar ka mid ah Ururrada Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Kantoonada dalkan Switzerland kulankan ayaa waxaa la qabtaa Sanadkiiba laba mar oo ka dhaco Deegaan ka mid ah dalkan Swisska.

Rajo Zürich10Kulankan ayaa waxaa soo abaabula Waaxda Gobollada iyo Is-dhexgalka ee Ururka Rajo Peace, Integration & Development for Somalia, hase ahaatee Kulanka Miiska Wareegsan (RAUND TABLE MEETING), ha yeeshee kulankan waxaa markii hore lagu qaban jiray Berna, balse hadda waxaa lagu qabtay Magalada Zurich.

 Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid Guddiga Fulinta Ururka Rajo, Kantoonada Zürich, Neuchàtel, San Gallen, Jenève, Lausanne, Aarau iyo Ticino, waxaana laga hadlayey qodobadda kala ah, Kaalinta Ururrada Kantoonada, Dood iyo Wada Xaajood.

Ugu horreynta waxaa Furitaanka kulanka shirkaas hadallo gaaban ka Jeediyey Guddoomiyaha Ururka Rajo Abuukar Mudey, Xoghayaha Guud ee Ururka, C/qaadir Sh. Maxamed, Xoghayaha Waaxda Gobollada iyo Is-dhexgalka Axmed Dhicisow iyo Xoghayaha Tababarrada Abuukar Mursal.

Rajo Zürich9

Sidoo kale waxaa hadalkii loo wareejiyey dhinaca Wakiilada Ururrada Jaaliyadaha Kantoonada ee dalkan Swisska oo ka warbixiyey waxqabadkooda iyo howlaha ay qaban doonaan mustaqbalka dhow iyo kann fogba.

Kulanka Miiska Wareegsan (RAUND TABLE MEETING), kama marneen dodo la xiriira Dhaliil iyo Is-dhaliil oo dhex-martay labada dhinaca, balse Wadahadal iyo dood dheer, kadib waxaa la isla fahmay qodobaddii dooda dhaliyey.

ugu danbeyntii ururradii Jaaliyadaha Kantoonada ayaa waxay ammaan gaar u soo jeediyeen Xoghayaha Waaxda Gobollada iyo Is-dhex-galka oo muujiyey dadaal dheeri ah ee la xiriira isku xirka Jaalayadaha, asigoo Ururrada uu siiyo wax allaale wixii uu aqoon ah ee ku saabsan Howlaha iyo dhismaha Ururrada Jaaliyadaha.

Rajo Zürich3Sidoo kale dhammaan dadkii ka soo qayb galay ayaa waxay ammaan u soo jeediyeen Ururka Somalisch KultuurVereine oo marti geliysay Kulanka shirkaas, una sameeyey Cunto dhaqameedka Soomaalida oo heer sare ah iyo Cabitaano kala duwan, gaar ahaan Shaahiga, Qarfaha Heelka iyo Qalanfuraha lagu Carfiyey.

Si kasta ha ahaatee Kulankaas wuxuu ku dhammaada is faham iyo Is barasho, waxaana la go’aansaday in Jaaliyaduhu ay is-dhaafsadaan Fikirkooda, wax wada qabsina yeeshaan.

SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: