Advertisements

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ku gacan sayray Xarakada Al-Shabaab in uu ku wareejiyo Sheikh Yusuf Indhacade iyo Hubkiisa.

Somalia Islamic Leader

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Dahir Aweys oo ah hogaamiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Asmara, kana mid ah hogaamiyeyaasha Xisbul Islaam ayaa ku gacan seyray kooxda Al-Shabaab inuu Hubkii uu dhowaan u dhiibtay Yuusuf Indha Cadde ku wareejiyo.

Sida wararku ay sheegayaan waxaa fashil ku yimid kulan dhex maray Saraakiisha Al-Shabaab iyo Sheikh Xasan Dahir Aweys, kaasoo looga hadlayay arrinta dagaalada iyo sidii mowqif isku mid ah looga qaadan lahaa.

Kulan aan lashaacin oo ay albaabada u xirnaayeen ayaa la sheegay in lagu kala tagay markii la isku qabtay Hubka Yuusuf Indha cadde oo haatan si rasmi ah gacanta ugu jira Sheikh Xasan Dahir, waxaana Saraakiisha Al-Shabaab ay ka dalbadeen in marka hore uu Indha Cadde cadeeyo mowqifkiisa isla markaana Hubkiisa lagu soo daro gacanta Mujaahidiinta, si ay qeyb uga noqdaan waxa lagula dagaalamayo Cadawga.

Qodobo horu dhac ah oo Kulankaasi ka soo baxay ayaa haatan waxay natiijadiisa u muuqataa mid bur bur ku dhow, waxaana haatan soconaya dadaalo kale oo dib loogu soo nooleynayo kulan mar kale dhex mara Ururka Al-Shabaab iyo Sheikh Xasan Dahir Aweys.

Sheikh Xasan Turki oo ah saaxibka Sheikh Xasan Dahir Aweys ayaa la sheegay inuu bilaabay in arrinta muranka ka taagan yahay in uu soo fara geliyo, isagoo doonaya in Sheikh Xasan Dahir uu ku qanciyo in Hubka uu soo dhiibo.

Sheikh Xasan Turki iyo Sheikh Xasan Daahir oo lagu sheego in ay yihiin Aabayaasha Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxaa dhex maray kulan qaas ah oo ay labadooda ku keli ahaayeen, kaas oo ilaa iyo iminka aan wax war ah ka soo bixin.

Shalay ayay aheyd markii Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde uu si cad u sheegay in Hubkiisa uu ku amaaneystay nin ay walaalo yihiin, kaas oo uu qariyay magaciisa, hase yeeshee, dad badan ayaa horay ka fahmay hadalkaas, kuwaasoo u gartay inuu yahay Sheikh Xasan Dahir, maadaama ay isku beel hoose yihiin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: