Mas’uulka ugu sareeya Xarakada Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo sheegay in dagaalka Muqdisho xaqa lagu kala saarayo.

ciidamo-al-shabaab

Halkaan ka akhri

Mas’uulka ugu sareeya Ururka hubeysan ee Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka hadlay dagaalka cusub ee ka qarxay magaalada Muqdisho, isagoona ku tilmaamay mid xaqa lagu kala saarayo.

Mas’uulkan ugu sareeya Ururka Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa warkan ka sheegay mar uu lahadlayay warbaahinta, taasoo uu ahmiyadda ku saaray dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, “waxaana uu sheegay inuu dagaalka u dhaxeeyo xoogag Islaamiyiin ah oo la dagaalamaya cadawgooda” sida uu hadalka u dhihgay.

Sheikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr waxaa uu eedeyn kulul dusha uga tuuray dawladda KMG Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wuxuuna sheegay in ay fulinayso danaha reer galbeedka isagoona uga digay arrintaasi.

Amiirka xarakada Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa shaaca ka qaaday in dagaalku uusan istaagi doonin ilaa gaalada oo idil laga xoreeyo caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uulka ugu sareeya Xarakada Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa waxaa uu baaq u soo jeediyay dadka shacabka iyo warbaahinta in ay dhex dhexaad ka noqdaan tabinta dhacdooyinka hadii kalena ay faraha kala baxdaan xaaladda socota, isagoona Shacabka ka codsaday in ay u dul qaataan dhisidda dawlad Islaami ah oo ka dhaqan gasha gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u yiri.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: