Halkaan ka akhri
“Waxaan magaalada Madrid aan ka helnay xubin Siyaasadeed oo Cad”, sidaas waxaa yiri Pail Seger oo mdax ka ah Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah ee hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkan Switzerland.
Pail Seger ayaa wuxuu ka mid yahay ergada Swisska ee uga qayb geleyso shirka 119aad ee golaha Wasiirada Reer Yurub oo stalaadadii ka furmay Caasimadda dalka Spain ee Madrid Laga billaabo bisha novembre, Switzerland waxay la wareegi doontaa gacan ku haynta Golaha Yurub oo Swissku ka mid noqday 1963kii.
Hase yeeshee Mus’uuliyadda Xafiiskan ayaa waxay kula wareegi doontaa kulan lagu dhigi doono magaalada Interlaken oo ka tirsan Kanton Berna bisha febraayo 2010ka.
Talaadadii tegtay ayaa Wasiiradda Arrimaga Dibedda Swisska Micheline Calmy-Rey la kulantay Wasiiradda Arrimaha dibedda ee wadamada Rerr Yurub, waxayna xasuusisay saddex Hadaf ee shirka ee loo xilsaaray in wax loogu beddelo Maxkamada Xuquuqda Aadanahaee Yurub.
SomaliSwiss Swissinfo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.