Halkaan ka akhri
Madaxtooyada Villa Somaliya oo uu ku sugan yahay madaxweyne Shariif Sh.Axmed ayaa laga soo saaray goor dhaweyd hadal lagu sheegay in madaxweynaha uu meel mariyay go’aankii Baarlamanka Somaliya uu ku ansixiyay dalka in lagu dhaqo Shareecada Islaamka.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sharcigaasi meel mariyay iyadoona aan la ogeen waxa ay taasi ka badali karto xaaladaha cakiran ee hada ka jira magaalada Muqdisho oo dagaallo ay ku heystaan xukuumadda Federaalka.
Saacado kooban kahor ayaa Warbaahinta Muqdisho waxay sii deysay cod laga soo duubay Amirka Xarakada Al-Shabaab oo uu ku sheegay in dawladda Federaalka aan la dhihi karin dawlad Islaami ah isla markaana aysan xitaa aheyn mid wadani ah.
Hore ayaa Golaha Baarlamanka Somaliya waxay u meel mariyeen sharciga ku dhaqanka Shareecada Islaamka waxaana kaga sii horeeyay Golaha Wasiirada, arrinkaasina waxaa uu ka danbeeyay amar kasoo baxay Culimada.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.