Advertisements

dowladda Sierra leone oo sheegtay in ay Guuto ciidamo ah u soo dirayso wadanka Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan..

Halkaan ka akhri

Dawladda Sierra leone ayaa Maanta ku dhawaaqday in ay guuto ciidama ah usoo dirayso dalka Soomaaliya si ay uga qayb noqdaan ciidamada AMISOM ee ku sugan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada wadanka Sierra leone ee imaanaya Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay tira ahaan gaarayaan illaa 800 oo Askari, kuwaas oo tirade ciidamada Amisom kadhigaya illaa 5.100 oo Askri.

Illaa iyo hadda lama sheegin xilliga rasmiga ah ee la keenayo ciidamada Sierra leone, balse waxaa keenistooda looga yaboohay kulankii deg dega ahaa ee ay arrimaha cusub ee Soomaaliya ka yeesheen dowladaha Midowga Afrika, kaas oo ka soconaya caasimadda wadanka Ethiopia ee Addis Abeba.

Yaboohan cusub ee ka soo baxay dowladda Sierra leone ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalo culus ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho, kaas oo welwel weyn ku abuuray Ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG ah oo lagala wareegay goobo badan oo ay horay ugu sugnaayeen xoogagg taabacsanaa dowladda KMG ah.

Dawladda Sierra leone ayaa dhawaan ka baxday dagaal sokeeye oo muddo dheer qaatay lamana garanayo waxa ay ku soo siyaadib karaan Xaaladda cakiran ee Soomaaliya, xilli inta badan Bulshada Soomaaliyeed ay ku baaqeen in dalkooda laga saaro Ciidmada Shisheeye.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: