Dagaalo aad u xoogan oo ay barbar socdaan duqeymo Culus oo ka soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

muqdisho dagaal

Halkaan ka akhri

Dagaalo aad u xoogan oo ay barbar socdaan duqeymo cul culus oo madaafiic ah ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dawladda KMG Soomaaliya iyo xoogagga Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam oo isku dhinac ah.

Dagaalkan oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay ka soconayaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiiglay iyadoona goobahaasi ay ku dhacayaan tiro madaafiic duqeyn ah.

Dagaalka oo illaa iyo iminka socda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo uu dagaalka ka socday, iyadoo aanay jirin warar faah faahsan oo illaa iyo iminka kasoo baxay.

Waxaa aad usoo kordhaya Qasaaraha nafeed ee uu geysanayo dagaalka Maanta ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiiglay.

Dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa intooda badan waxaa ay sababaan in Khasaarooyin Badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaro dadka Rayidka ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: