Sheikh Cumar Faaruuq oo ku tilmaamay dagaalada Muqdisho ka socda in ay yihiin dagaalo fitno ah oo aan Diin ku saleysneen.

Cumar Faruq

Halkaan ka akhri

Sheikh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi Suldaan oo ka mid ah Culumaa’udiinka waa weyn ee dalka Soomaaliya ayaa si Diiniyan uga hadlay dagaalada Muqdisho ka socda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid Fidno ah oo aan Diin ku saleysneyn.

Sheikh Cumar Faaruuq oo ku sugan Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Wareysi uu siiyay Idaacada Horn Afrik ayaa waxaa uu sheegay in dagaalada ka socda Muqdisho ay hogaaminayaan kuwo aan diinta aqoon, isagoona cadeeyay in dagaalada Fidnada ee ka socda Muqdisho aanu aheyn Kii Janada lagu galaayay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qalad weyn uu yahay dadka lagu xukumayo riddo ama la gaaleysiinayo, iyadoo dadka dhiigooda lagu xalaaleysanayo, taasina waxaa uu ku tilmaamay dambi lagu muteysanayo cadaab iyo carro Ilaahey.

Sheikhu oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dagaalada Muqdisho ka socda waa Xarbul Fidnah, ma ahan kuwa diineed, dadka hogaaminaya ma ahan kuwo Diinta aqoon u leh”, wuxuuna ka  digay sii socoshada dagaalada.

Si kasta ha ahaatee waa wadaadkii ugu horeeyay ee Soomaaliya aad looga yaqaano oo si cad aan leex leexad laheyn ugu tilmaamay dagaallada Muqdisho ka socda in ay yihiin dagaal fitno ah oo Jannada lagu raadsanayo aanan lagu heleynin dadka dhiigooda lagu xalaaleysanaya.

 SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: