Sarkaal Sare oo ka tirsan Xizbul Islaam, oo shaaca ka qaaday dagaal ka dhan ah Ciidamada AMISOM in ay ku qaadi doonaan.

Ciidamada Xisbul Islaam

Halkaan ka akhri

Sarkaal Sare oo lagu magacaabo Axmed Madoobe oo ka tirsan Xizbul Islaam, kuna sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa ku baaqey in ay dagaal ka dhan ah ay ku qaadi doonaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqisho.

Sidoo kale  Sarkaalka Xisbul Islaam ee Kismaayo ayaa u waramayey barta Enternet-ka ee Al-jazeera.net, isagoo ka hadley fikirkiisa ku aadan Dagaalada Muqdisho oo uu sabab uga dhigey joogitaanka ciidamada AMISOM, waxa kale oo uu intaa raaciyay in Dadka Soomaaliyeed isku filan yihiin arimahoodana ay xalisan karaan haddii aan fara gelin shisheeye lagu heynin.

Hase ahaatee Sarkaalkan ayaa Ciidamada AMISOM ka dalbadey inay Dalka isaga baxaan, wuxuuna intaa raaciyay in Boqolaal ka mid ah Ciidamadiisu uu u diray Muqdisho oo gacan siiyaan xoogaga kale Xizbul Islaam & al-shabaab si ay ula dagaalamaan Ciidamada AMISOM”.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ka hadley Niyada uu Dagaalka u hayo, wuxuuna yiri”Waxaan diyaarinay Qeybo si sare ugu tabo baran Dagaalka khibranba ka helay Dagaalkii Ciidamada Gumeysiga lala galey”.

Dhanka kale Axmed madoobe ayaa Baaq u jeediyay Xoogaga Muqaawamada oo ugu baaqey in danaha gaarka ah ee Shakhsi ama Urur ka horeysiiyaan midda guud.

Hase yeeshee Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo, Sheikh Xasan Yacquub ayaa ku tilmaamey dagaalada Muqdisho ka socdo jihaad lala gelayo xukuumada uu hogaaminayo Sheikh Shariif, ay la mid tahay dowladdii C/laahi Yuusuf.

Sida  uu sheegay Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo in Dagaalada Muqdisho ka socda ay qeyb ka yihiin, waxayna Magaalada Muqdisho u soo direen gurmad balaaraan oo dhinac walba uga imaanaya.

SomaliSwiss   Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: