Sarkaal ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo qiray in ay ka garab dagaalamayeen xoogag Ajnabi ah 5tii Maalmood ee uu dagaalka ka socday Muqdisho.

al-shabaab

Halkaan ka akhri

 

Mas’uulka u qaabilsan dhinaca Siyaasadda iyo xiriirka gobolada Xarakada Al-Shabaab oo Maanta war baahinta kula hadlay khadka taleefanada ayaa ka hadlay qodobo ku aadan dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

Sheikh Xuseen Fiidow ayaa sheegay gudaha dalka in ay soo gaareen xoogag Ajnabi oo gurmad ah si buu yiri ay ugala garab dagaalamaan dhaq dhaqaaqa xarakada Al-Shabaab oo dagaal qaraar kala dhaxeeyo dawladda KMG ah iyo ciidamada Amisom.

“Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah waxay u yeerteen walaalaha kale ee Muslimiinta ah ee ku nool caalamka si ay ugu soo gurmadaan” ayuu yiri Sheikh Xuseen Fiidow, isagoona tusaale u soo qaatay dagaaladii lala galay ciidamadii Ethiopia xilligaas oo uu sheegay in ay jireen gurmad ka yimid caalamka oo ka qeyb qaatay dagaaladaasi” sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uulkan u hadlay xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay inuu uga digayo shacabka in ay la saftaan ciidamada Amisom, oo uu ku eedeeyay in ay xasuuq ku hayaan shacabka Soomaaliyeed si la mid ah ciidamadii Ethiopia.

Mar uu ka hadlayey howlaha ay wado Hay’adda Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku eedeeyay in aysan dhex dhexaad aheyn Culamaa’udiinkaasi.

Si kasta ha ahaatee hadalkan kasoo yeeray Mas’uulkan u hadlay xarakada Al-Shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha dawladda KMG Soomaaliya uu dhowaan sheegay in ay isdifaacayso dawladdiisa, isagoona ku eedeeyay dhinaca dagaalka kala soo horjeeda in ay ka garab dagaalamaan xoogag shisheeye.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: