Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in aanay aqbali doonin in dad ka yimid gobolada kale ay dagaalo ka oogaan Muqdisho.

Dhagaxtuur5

Halkaan ka akhri

Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo ah Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in dad kale oo ka yimid Gobolada kale ay dagaalo ka oogaan Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo Wariyeyaasha kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan dad Gobolo kale ka yimid oo Goboladooda ay nabad yihiin.

Dhagaxtuur oo hadalkiisa wata wuxuu yiri: “Ma aqbali dooni in dad ka yimid Gobolo kale ay dagaalo ka abuuraan Gobolka Banaadir, mana yeeleyno in nalagu soo duulo”,

Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo safar dhowr todobaad qaatay ku tagay Magaalada Milano iyo Roma ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu si faahfaahsan uga hadlay xiriirka dhex maray Guddoomiyaasha Dowladaha hoose ee Gobollada Milano iyo Roma.

Sidoo kale waxaa uu sheegay dadka ku nool Magaalada Muqdisho aysan xamili karin dagaallo sii socda 20 sano kaddib, wuxuuna caddeeyay in dagaallada hadda socda ay yihiin kuwo ay wadaan dad sida uu yiri gobollo kale ka yimid.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu caddeeyey inay go’aan ka qaadan doonaan dad goboladooda ay nabad u yihiin in ay Magaalada Muqdisho dadka ku dhaqan ay dhibaateeyaan”ayuu mar kale ku celiyay Guddoomiyuhu.

Sidoo kale hadalkan ka soo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli Wasiiro ka tirsan Dowladda ay ku eedeeyay Xoogaga Mucaaradka inay ka bar bar dagaalamayaan Ajaaniib, taasoo ay dad badan cadeeyeen.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: