Diyaarado noocoodu yahay AC-130 oo ku duulaya joog hoose oo xalay dul heehaabayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

AC-130 1

Halkaan ka akhri

War  xalay naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Diyaarado noocoodu yahay  AC-130 fiidnimadii xalay  ay bilaabeen, iyagoo joog hoose ku duulaya ay dul heehaabayeen Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Diyaaradu ay jahwareer ku riday dadka Magaalada oo habeenadan ka jiifan waayeen dhawaaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda, kuwa Maxkamadaha oo wada socda iyo Shabaabka iyo Xisbul Islaam oo hal dhinaca ah.

Qaar ka mid dadka deggan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu leeyahay in  Diyaaraduhu ay  6 dii daqiiqo 2 jeer ayay dul maraysaa Hawada Magaalada Muqdisho,mararka qaarna Diyaaraduhu waxaa la moodaa in ay hoos u soo dhawaanayaan.

Hase yeeshee Magaalada Muqdisho ayaa Maalmahan waxaa ka socday dagaal saf ballaaran ah oo kooxo Islaamiyiin hubeysan oo Somali ah balse ay ka barbar dagaalamayaan dagaalyahano shisheeye oo markii ugu horeysay iyadoo aan qaris lahayn lagu arkay xaafadaha Magaalada iyo Ciidamada daacada u ah Dowladda KMG ah.

Balse dul wareegaas ay Diyaaradahu ku sameynayeen Hawada Magaalada Muqdisho ka sokow, haddana ma jiraan wax tallaabo ah oo ay qaadeen Diyaaradahaas.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: