Ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan oo fariisin cusub ka sameytstay meel u dhow magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

ethiopian_soldiers_01

Halkaan ka akhri

Magaalada Baladweyne ayaa lagu soo waramayaa meel 18-km dhanka waqooyi bari kaga toosan, in ay soo dageen ciidamo hubeysan oo Ethiopian ah.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baladweyne iyo agagaareheeda ayaa cabsi aad u xoogan ka muujinayay fariisinkan cusub ee ay ciidamada Ethiopian-ka ah ka sameystay goob aan ka fogeyn magaalada Baladweyne.

Ciidamadan Ethiopian-ka ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku raad joogaan ciidamo kale oo aan la ogeyn cidda ay ka amar qaataan, waxaana arrintan ay soo baxaysaa iyadoo maalmahamba lagu arkayey ciidamada Ethiopia gudaha gobolka Hiiraan.

Sarkaal u hadlay Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay ciidanka Ethiopia in ay wadaan abaabul dagaal, balse uu sheegay in aysan iyaga dhinacooda gacmaha ka laaban doonin oo ay la dagaalami doonaan.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: