Sheikh Xasan Daahir Aweys oo dawladda KMG Soomaaliya ku eedeeyay masuuliyadda dagaalada ka soconaya Muqdisho.

Somalia Islamic Leader

Halkaan ka akhri

Hogaamiyaha Mucaaradka Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in ay tahay in la taageero xoogaga Muqaawamada, islamarkaana dagaalka ku eedeeyay in ay wadaan waxa uu ugu yeeray cadowga la soo adeegsaday oo uu ula jeeday dowladda KMG ah.

Sheikh Xasan  Daahir waxaa uu sheegay in ay dagaalka wadaan kooxo uu ugu yeeray in la soo adeegsaday waxaa uuna cadeeyay in  ayaga ay yihiin dad is difaacaya oo aan weerar ahayn sida uu sheegay.

 

Hadalkan Sheikh Xasan Daahir ayaa ku soo beegmaya xili ay socdaan dagaalo qaraar oo u dhexeeya Xoogaga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac ah iyo kuwa Maxkamadaha ee ku biiray dowladda KMG Soomaaliya.

 

Dagaaladan ka soconaya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay sababeen dhimashada dad kabadan illaa 30 qof oo u badan rayid, halka dhaawucuna uu sii caga cageynayo 300 qof.

Si kasta ha ahaatee dagaalka Xalay iyo Maanta socda ayaa ah mid ka culus dagaaladii sadexdii maalin ee lasoo dhaafay socday, iyadoo wadooyinka lagu arkayo dadweynaha Qaxaya oo iyagu dagaalada ka cararaya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: