Shacabka Gobolka Hiiraan oo loogu baaqay in aysan ku lug yeelan dagaalada ka socda mag. Muqdisho.

P4260229 - Kopie

Halkaan ka akhri

Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah jaaliyadaha  qurba jooga ah G/Hiiraan, una ololeeyo nabad ku wada noolaanshaha Qabaa’ilka wada dega G/Hiiraan ayaa Ugu Baaqaay Bulshada Reer Hiiraan in ay ka fiirsadaan Ku lug lahaashaha Dagaalada ka socdo magaalada Caasimadda ee Muqdisho. 

Sida uu sheegay Jeesow in beryahan danbe ay soo baxayaan warar sheegaaya in Gurmad Ciidan oo ka baxay Xarunta Gobolka Hiiraan, Kaas oo lagu qabtay Degmada Bulaburte, Arintaas oo hadii aay jirto ah ceeb iyo foolxumo soo wajahday Dadka wax Garadka ah ee Gobolka Ku sugan iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Daahi Jeesow ayaa sheegay in  Gobolka Hiiraan yahay Gobol looga Bartay dhax dhaxaadnimo iyo Nabad raadis ee loogama baran in loo kala hiiliyo labo qole ama laba Koox, Walaalaha Gobolka Hiiran waxaan kula talinaayaa in arintaas dhax dhaxaad ka noqdaan oo Dab holcaaya ay Baasiin ku sii shubin.

Waxaa idiinku waajib ah ayuu yiri Daahir Jeesow inaad dhax dhaxaadisaan kooxaa Ku dagaalaaya Magaalada muqdisho Magac kast oo aay wadtaaba ee ma aha in aad gurmad colaadeed u aadaan.

Sidoo kale wuxuu yiri: ”waxaan kula talinaayaa Wax Garadka Reer Hiiraan & Goloyaasha dhaqanka Sida Ogaasyada, Wabarada, malaaqyada ee  Gobolka in aay ku biiraan nidaamka Colaad joojinta ah ee ka socda Gobolka Banaadir iyo Badbaadinta Bulshada,Kana Hortagaan shaqsiyaalka Xumaha Ku fikiraaya ee Doonaaya in aay ku lug yeeshaan Dagaalda Sokeeye, Doonaayana in aay u kala hiiliyaan labada garab, Ogaada hadhoow la dhihimaayo waa shaqsiyo ee Xumaanta waa nawada saameeyneeysaa.

 Ugu danbeyntii Daahi Jeesow wuxuu Baaq u soo jeediyey Dhamaan dhinacyada Ku Dagaalaaya magalada Caasimada ah ee Muqdisho, wuxuuna leeyahay ALLe ka baqa Umadiinane u tura.

SomaliSwiss     Holland

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: