Kulan ay yeelatay Beel ka mid ah beelaha dega Gobalka Hiiran oo ay ku sameysteen Gudi wakiil uga noqda Arimaha iyaga u gaarka ah.

baladweyne

Halkaan ka akhri

Kulan muddo todobaad ah uga soconayay Hotel Daarasalam oo ku Yaal xaafaa Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ayaa Beesha Saddex Habar Gaaljecel waxaa ay ku doorteen gudi ay ugu magac dareen gudiga Beesha sadeex Habar Gaaljecel gudigaasi oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa gudoomiye logu magacaabay Nabadoon Cabdi Xuseen Qaboobe.

Mar uu warfidiyeenka kula hadlayay Hotel Daarasalam ayuu sheegay Nabadoon Cabdi Qaboobe in uu ka Madax Banaan yahay gudi uu ku tilmaamay Gudiga Bad baadada Beesha Gaaljecel waxaana uu carabka ku adkeeyay in uusan beeshiisu matalin gudiga lagu magacaabo Badbaadada Beesha Gaaljecel islamarkana waxaa uu ugu baaqay beelaha daga Gobolka Hiiran in ay Nabad kula Noolaadaan wax cadaawad dhalin karana ay ka soo horjeedan .

Gudigan shalay lagu dhawaaqay ee Beesha saddex Habar Gaaljecel ayaa waxaa uu Noqonayaa mid ku soo beegma dhismihiisa xili uu socdo dadaal aad u weyn oo ay Odayaashu dhaqanka Gobalka Hiiran ay ugu jiraan sidii meel laysugu keeni lahaa Maamulka Gobalka Hiiran Iyo Xoogaga Mucaaradka ee ku dagaalamay Gudaha Magaalada Baladweyn Dabayaaqadii bishii hore.

Dhinaca kale gudigaan ayaa ka shaqeynaaya arrimaha Beesha, waxaana Gudigaan la sheegay inuu u doodi doono danaha Beesha GaalJecel, wuxuuna Gudigaan qabanaaya xiriirka Beelaha kale kala dhaxeeya Beesha GaalJecel, wuxuuna Gudigaan ka shaqaynaayaa sidii Beelaha kale ee Gobolka Hiiraan ay kuwada noolaan lahaayeen si nabad ah.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: