Dhimashada dagaalka Maanta oo sii kordheysa, iyadoo aan madaafiic cusub ay ka bilowdeen dagaalada Muqdisho.

dagaal muqdisho

Halkaan ka akhri

Dagaaladan Maalintii Afaraad ku dhex maraya magaalada Muqdisho ciidamada Maxkamadaha ee ku biiray dowalada iyo ciidamo ka tirsan kuwa Al shabaab iyo Xisbul islaam oo isku dhinac ah ayaa waxaa ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Dagaalka oo Maanta ku fiday gooba cusub oo ay ka mid yihiin degmada Hodan, isgooysyada Black Sea iyo Shiirkole halkaasi oo ay mar kale ku dagaalameen ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa maxkamadaha ee ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.

Sidoo kale dagaalo xoogan oo shalay, xalay illaa Saakay ka socday Qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ay markii dambe sababtay in gacan ku heynta garoonka Stadium Muqdisho iyo agaagaarka Xarunta xisbiga lagala wareego ciimadii Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan dowalada KMG, halkaasi oo ay iminka ku sugan yihiin xoogaga ka soo hor jeeday.

Dhinaca kale degmada Yaashiid ayaa waxaa Saakay Barqadii ka dhacayay dagaalo xoogan oo sababay in xoogaga mucaaradka ay la wareegeen isgooyska Afarta Jardiino iyo weliba Laanta horseed ee degmadaasi, waloow markii danbe ay halkasi soo gaareen ciidamo ka tirsan Militariga dowlada KMG oo dib u soo ceshaday goobaha laga qabsaday ciidankaasi dowlada.

Waxaa aad usoo kordhaya Qasaaraha nafeed ee uu geysanayo dagaalka Maanta ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiiglay.

In kabadan illaa 15 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkan, iyadoo dhaawacyo aad u fara badanna la gaarsiiyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Marka laysu geeyo in kabadan illaa 300 qof oo dhaawacyo kala duwan ayaa la dhigay Isbitaalada magaalada Muqdisho si wax looga qabto xaaladooda, iyadoo howl wadeenadu ay sheegayaan in ay soo kordhayaan dadka wax ku soo noqonaya dagaalka.

Dagaaladan ayaa sida lasheegay waxaa kusoo biiray dhammaan ciidanka dowladda oo ay wehliyaan madaafiic kuwa loo yaqaan Fooriyow oo ay ridayaan ciidamada Nabad ilaalada midowga Afrika ee Amisom, kuwaasoo dhawaqooda dadweynaha Muqdisho uu ugu dambeeyay xiligii ay Ethiopian-ka Muqdisho joogeen, madaafiicdaas oo inta badan kudhaceysa guryaha ay dadka rayidka ah degan yihiin iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: