Sheikh C/qaadir Cali Cumar: “Dagaalka Muqdisho wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamada MMIS & kuwii baryahaan gaadmada dadka ku dilayay”.

sh-c-qaadir

Halkaan ka akhri

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda midnimada Qaran Sheikh C/qaadir Cali Cumar ayaa gelinkii dambe ee Shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu uga hadlay dagaalada Maalintii labaad ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Sheikh C/qaadir Cali Cumar waxaa uu sheegay in dagaalka Muqdisho ka socda uu u dhaxeeyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah iyo koox uu ku tilmaamay in ay ka horjeedaan dadaalada ka socda Muqdisho ee dib loogu soo celinayo nabadda, sharciga iyo kala dambeynta.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar mar uu ka hadlayay kooxaha dagaalka kala soo horjeeda waxa uu sheegay in Maalmihii la soo dhaafay ay Muqdisho ka wadeen falal ammaan darro weeraro gaadmo ah oo ay ku dilayeen Xildhibaanno iyo Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha.

“Dad ay ku adag tahay nabadda iyo wanaagga Muqdisho ayaa wada dagaalada” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG ah Sheikh C/qaadir Cali Cumar aan marnabada afkiisa soo marin inuu magacaabo kooxda ka horjeeda.

Dagaalka Muqdisho sida muuqata uu u dhaxeeyo xoogagga muqaawamada gaar ahaan Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo kooxda Al-Shabaab oo isku khilaafsan hannaanka Siyaasadeed iyo hoggaanka dalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: