Muuse Suudi Yalaxow oo fariin u diray Sheikh Xassan Daahir, Una sheegay in uu hayo Wado Gudcur ah oo uu iftiinku kamaqanyahay…

xasan-dahir-musa-sudi

Halkaan ka akhri

Muuse Suudi Yalaxoow oo fariin u diray Sheikh Xassan Daahir Aweys, Una sheegay in uu hayo Wado Gudcur ah oo uu iftiinku kamaqanyahay ,Shiikh Xassan waa wadadeeniiye Toosh qaado inta aanu waqtigu kaa dhamaanin.

xasan-dahir-musa-sudi

Qab qablihii ugu weynaa dagaal oogayaasha ee Garmaqaataha ahaa ayaa ku tilmaamay Sheikh Xassan Daahir Aweys nin Taladu ka maqan tahay kuna socda wadadii ay ku halaagsameen iyaga Islamarkaana u horseeday in ay dadkooda iyo Dalkoodaba ka noqdaan sida Cudurka Kaankarada oo kale.

Muuse Suudi Yalaxoow oo kamid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya gaar ahaan kuwii loo arkayay in ay ugu xumaayeen Qab qablayaashii dagaalka  ayaa ku tilmaamay wadada uu hayo Sheikh Xassan Daahir Aweys midi uu isagu horay u soo maray.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa uga digay Sheikh Xassan  Daahir Aweys in uu ka fiirsado Wadada Khaldan ee uu hayo, isagoo tusaale u soo qaatay aqoon daradii iyo Waayo aragnimo la aantii haysay xilligii ay garbaha ka soconayeen Gawaarida Tiknikada ah iyo Ciidamada aadka u tirade badan.

‘’Alloow yaa u sheega oo Talo siiya Wadaadka, Wax aan Jab iyo Halaag ahayn kalama kulmayo, Waana midii aan horay ugu Fashilanay oo naga takoortay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ‘’ayuu yiri Muuse Suudi oo marka uu si caadi ah ula sheekaysanayo xildhibaanada ay ka muuqato qoomamayn wixii uu horay u soo maray.

Hadafkeenu waxaa uu ahaa in aan wax uun mucaaradno anaguna aanaan wax isla meeldhigin, Jaahilnimada nahaysayna waxaa ay nagaarsiisay in aan xitaa isku tawfiiq noqonweyno ayuu yiri Muuse Suudi oo ay daba socdaan laba nin oo ilaalo ah kana waardiyaynaysa kooxaha islaamiyiinta Maadaama uu soo galay dhagaro kala duwan.

Magaca USC waxaan ku noqonay inkabadan Toban firqo oo midwalbaahuba raacinayo laba xaraf sida USC, SNM, SSDF, SSA, SPM, SDF,  iyo wax lamid ah, Iyaguna sidaa oo kale ayay hada u kala baxeen .

Hadii aan ahayn Qab qablayaal dagaal hada iyagu waa Qab qablayaal diimeed, Wax aan ka ahayn dhiig iyo colaad horleh ma aanay soo kordhin,Waadna ogtihiin sida ay shacabku noogu kaceen islamarkaana qodxaha iyo dhilmaanyadu noogu gashay cararkii aan ka cararnay Muqdisho .

‘’Xassan Daahiroow Waxaad tahay Korneyl ciidamada kamid ahaan jiray waaya aragnimo badana u leh waxa wanaagsan iyo waxa xun ,ar anigu waxaan ku dhihi lahaa wadadaani ma ahan tii aad wax ku gaari lahayd ee ka soo laabo oo dadkaaga dhinac ka raac, hadii kale walee meesha Aniga, Qanyare, Bashiir raage, Maxamad Dheere iyo Rageenii ladagaalanka Argagixisadu mareen ayaad maraysaa.’ Ayuu hadalkiisa ku daray Muuse Suudi .

Tan iyo Markii uu hubka dhigay Muuse Suudi waxaa uu si u muuqata in uu soo jiidanayo Xildhibaanada ula seekaystaa Ragga ay aadka isha isugu hayeen, Isagoo yiraahda, alla maxaan wada habaaran Soomaray, Alla maxaan wado danbi mooyee wax kale aan lagu gaaraynin soo hayay, Ardadka hada ku jooga wadadii aan soo maray waxaa ay moodaan Tiknikada iyo Ciidamada daba yaacaya in ay tahay Maqaam, Walaahi naftaada ayaad ku qamaaraysaa, oo waliba mararka qaar kood waxaad halis u galaysaa in kan maleeshiyada ah ee aadka kuugu dhaw laguu soo adeegsado.

Qaar kamida Xildhibaanada uu aadka ula sheekaysto Muuse Suudi ayaa u arka nin waqtigiisu uga soo lumay Jaahilnimo  Maantana ka qoomamaynayo, balse waxaa jira ayay yiraahdeen Qab qablayaal kale oo kamida Baarlamaanka oo wali iyagu aan ka qoomamayn wixii ay umadda iyo Dalkaba u gaysteen.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee oo hinta Muuse Suudi inkasta oo ay timid Xilli aanu shacabku aqbali karayn, hadana waxay tusaale u noqonkaraysaa kuwa hada haya wadadaasi ee maya Mooyee aan wax kale Masraxa la imaanaynin, Tanasulku waa qayb ka mid ah Sharaftaada iyo Badbaadada Umadaada.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: