Ururka Al-Shabaab oo si kulul u dhaliilay Hay’adda Culimada Somaliyed, kuna eedeeyay in aysan dhex dhexaad aheyn.

Astaanta Al-shabaab.

Halkaan ka akhri

War uu soo Saaray Ururka Al Shabaab ayaa waxaa si kulul loogu hujuumay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, isla markaasna eedeeyn loogu soo jeediyay.

Sheikh Cali Max’ed Xuseen oo ah Wakiilka gobolka Banaadir ee ururka Al shabaab  ayaa sheegay in hay’adda culimada Soomaliyeed ay magan galeen waxa uu ku tilmaamay codowga umadda,  islamarkaana ay ku kooban yihiin meelaha ay ka taliyaan oo ay istaaf ka dhigteen ciidamadooda.                          

Sidoo kale Sheikh Cali Max’ed Xuseen wakiilka gobolka Banaadir ee Al shaab ayaa Culimada ku eedeeyay inay ka meer merayaan imaanshiyaha meelaha ay mujaahidiintu ka taliyaan si ay dadka u wacyi galiyaan waxaana uu sheegay in hadii aanay ka waantoobin ay ku qasaari doonaan.                                                      

Balse Masuuliyiinta hay’adda culimada ayaan wali ka hadlin eedeyntan loo jeediyay waxaana ay imaaneysaa xili bilihii u danbeeyay culimadu ay magaalada Muqdisho ka wadeen kulamo ay la qaadanayeen dhinacyada is-haya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: