Xaaladda magaalada Muqdisho oo Maanta degan kadib dagaal qasaare badan geystay oo Shalay ka dhashay.

Mogadisho

Halkaan ka akhri

Waxaa saakay degan xaaladda magaalada Muqdisho ka dib dagaal kulul oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho maalinimadii shalay, iyadoo ay wax ku noqdeen dad u badan rayid Jidka warshadaha halkaasoo uu ka socday dagaalka xoogiisa ayaa saakay laga dareemayaa deganaansho, inkastoo dadka ku nool halkaasi ay weli muujinayaan cabsi ay qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo.

Dagaalka oo la’isku adeegsanayey noocyada kala duwan ee hubka waa weyn ayaa qasaaraha waxaa uu gaaray dhimashada ilaa 6 qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamayey, hubka laga maqlayey goobo ka durugsan aaga dagaalka uu ka socday.

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la gaarsiiyey ilaa 55 qof kuwaasoo waxyeelo soo gaartay intii dagaalka uu socday, sida ay ku warameen howl wadeenada cisbitaalka Madiina.

Dhanka kale, hay’adda culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada u dhaxeeyo dagaalka in ay xabadda joojiyaan kuna bedeshaan howlaha dib u heshiisiinta ee ka socda guaha magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha hay’adda, Sheikh Bashiir Axmed Salaad ayaa xusay in aysan sax aheyn dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyo xoogag kala taabacsan xarakada Al-Shabaab iyo Maxkamadaha Islaamiga.

Hay’adda culuma’udiinka ayaa sheegtay in ay dib u dardar gelin doonaan dadaalada dhex dhexaadinta ah, iyagoona ugu baaqay dhinacyada in ay ka qeyb qaataan dadaaladaasi dib u heshiisiineed.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda Muqdisho ayaa saakay laga dareemayaa deganaansho iyadoo aan la ogeyn hadii ay u hogaansami doonaan baaqyada soo kordhaya ee loo jeedinayo dhinacyada hubeysan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: